Baydhabo(INO)- Waxaa Maalintii seddexaad ka Socoda Magaalada Baydhabo doorashada Aqalka Hoose Ee BFS 2016, Isla markaana waxa Goordhow Khaliif Duuraay uu Ku guuleystey Kursiga Beesha Eemid oo yaala Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Isagoona heley 40 cod.
Sidoo kale, Doorashada ayaa weli socota, iyadoo at musharraxiin badan ku tartamayaan 69-ka kursi ee la doonayo inay kasoo baxaan Koonfur Galbeed Soomaaliya oo afar ka mid ah la doonayo inay haween noqdaan, sida at sheegeen guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya.Wixii kasoo kordha doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Baydhabo waxaad kula socon doontaan wararkeenna soo socda haddii ALLE ogolaado.