DEG DEG: Israsaaseyn Dhalisey Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Maanta Ka Dhacdey Baydhabo

0
203

Baydhabo(INO)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ku waramaya in askar ka wada tirsan Dowlada Koonfur Galbeed ay maanta ku dagaallameen magaaladaasi.

Inta la xaqiijiyay Seddax qof oo Labo ka mid ah ay ahaayee dad shacab ah ayaa ku geeriyootay israsaaseyntaasi halka ku dhawaad Shan qof kale dhaawac uu kasoo gaaray.

Israsaaseyntaan ayaa timid kadib markii la sheegay in askar ka tirsan Koonfur Galbeed ay isku dayeen in si awood ah ay kusoo xiraan askari kale oo isla iyaga ah, kaasi oo ku sugnaa goob maqaayad ah.

Xaaladda guud ee magaalada Baydhabo haatan waa ay deggan tahay, iyadoo lasoo sheegayo halka dhibaatadu ay ka dhacday ay gaareen ciidamo kale.

Ugu dambeyntii, Dhacdooyinka sidaan oo kale ah ayaan ahayn kuwo ku cusub deegaannada uu ka arrimiyo Dowlada  Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here