DEG DEG: Hani Maxamed Aaden Oo Ku Guuleysatey Kursiga Aqalka Hoose Ee Beesha Luwaay Ee KGS

0
218

Baydhabo(INO)- Waxaa Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ka soconaya doorashada Wajaga 2aad Ee Aqalka Hoose Ee BFS 2016, Isla markaana waxa Goordhow Hani Maxamed Aaden  ay Ku guuleysatey Kursiga Aqalka Hoose Ee  Beesha Luwaay.

Hani ayaa heshey  26 Cod, Halka Murashraxad Muraayo  Ibrahim Madeer ay heshey  23 Cod iyo  sidoo kale Musharaxad Xabiibo Maxamed oo loo yaqaano Xabiibo Deerey Ay heshey 2 cod oo kaliye.

Hoolka waxa Maanta  fadhiyey Danjire Machael keating Wakiilka QM Ee Somalia , Madaxaa Xafiisk Siyaasada QM Ee UNSOM Ee Baydhabo Mr. Vecram iyo kormeeriyaal kale.

Danjire Keating ayaa joogitaankiisa maanta xarunta doorashada ee aqalka hoose ee Baydhabo waxay noqonaysaa doorashadii ugu horreysay ee uu korjoogto ka noqdo tan iyo intii ay magaalooyinka dowlad goboleedyadu ka billowdeen doorashooyinka baarlamaanka cusub.

Wixii kasoo kordha doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Baydhabo waxaad kula socon doontaan wararkeenna soo socda haddii ALLE ogolaado.