Garowe-(INO)-Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Nugaal ayaa Afar bilood oo xabsi ah ku xukuntay gudoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Gaalkacyo Yacquub Maxamed Cabdalla oo loo haystay hadal uu warbaahinta kasii daayey oo uu uga horyimid isbaddelkii maamulka gobolka Mudug ee Madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas dhawaan sameeyay.
Yacquub oo ay maanta ahayd markii Seddexaad ee Maxkamadda la horkeeno ayaa Garsoorka Maxkamaddu waxaa uu ku dhawaaqay in Yacquub oo helay Kicin dadweyne iyo inuu shacabka gobolka Mudug xasuusiyey Dagaal sanadkii 2011 Gaalkacyo ka dhacay oo dad badan ku dhinteen lagu xukumay 4 bilood oo xabsi ah, balse uu iibsan karo ama Racfaan ka qaadan karo.
Garsoorku wuxuu sheegay inay sax tahay in madaxwaynaha puntland la dhaliili karo sax iyo khaladba sida uu horay isagu u sheegay, qodobkaasna uusan aflagaado madaxwayne ahayn.
Yacquub ayaa xabsiga dib loogu celiyey, lama oga inuu Racfaan ka qaadan doono xukunka ku dhacay ama uu iibsan doono.
Kayse Muse Ali, Garowe