DEG DEG: Gaari uu watay Sarkaal Millateri oo lagu qarxiyay Degmada Wadajir

0
180

Muqdisho(INO)- Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir qarax gaari ayaa goor dhaw wuxuu ka dhacay wadada ka soo baxday Warshada Nacnaca.

Gaarigaan oo uu watay Sarkaal ka tirsan Millateriga Dowladda Somaliya ayaa la qarxiyay, xilli uu maraayay meel u dhaw Xerada Rajo ee Degmada Wadajir.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Dabdamiska Gobolka Banaadir oo lagu magacaabo C/naasir, ayaa Warbaahinta u sheegay in gaariga uu ka qarxay qaybta Darawalka uu fariisto.

Wuxuu sheegay ninkii watay gaariga oo lugaha ka bur buray, islamarkaana dhaawaciisa uu culus yahay meesha laga qaaday, loona qaaday goobaha caafimaadka.

Sarkaalkaan ka tirsan Millateriga ee la qarxiyay aynaan helin magaciisa, balse waxa ay sheegeen dadkii meesha ka agdhawaa gaariga inuu ka yimid dhanka Warshada Nacnaca, islamarkaana isaga oo socda mar un inuu qarxay.

Majiro Khasaare kale oo dhaawaca ah ama dhimasho ah oo ka dhashay Gaarigaasi, maadaama ruuxa watay kaliya uu saarnaa gaariga qarxay.

Kooxda Dabdamiska Gobolka Banaadir oo gaartay goobta gaariga uu ku qarxay ayaa ku guuleystay inay baqtiiyaan dabkii ka dhashay baabuurkaasi.

Shalay ayeey aheyd markii qarax gaari oo ka dhacay agagaarka Maqaayada Blue Sky ay ku dhinteen labo ruux oo shacab ah.