Muqdisho(INO)-Waxaa hadda si rasmi ah u bilaabatay doorashada guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ay ku tartamayaan 16 xubnood oo ka tirsan golaha.
Xarunta golaha Aqalka Sare waxaa xaadir ku ah hadda 50 xildhibaan oo xulan doona cidda u noqoneysa guddoonka golaha mudada 4 sanno ah ee soo aaddan.
Marka ugu horeysa waxaa dhacaysa doorashada guddoomiyaha, kadibna waxaa si is xiga loo dooranayaa guddoomiye ku xigeenka 1-aad iyo 2-aad oo isla maanta doorashadoodu ay dhacayso.
Wixii faahfaahin ah ee kasoo kordha kala soco, IdaleNews