DEG DEG: Dhakhtar Caan Ah Oo Lagu Gawracay Buur-dhuxulle Ee Gobolka Bakool

0
465

Buurdhuxule(INO)- Malleeshiyada Al-Shabaab ayaa deegaanka Buur-dhuxulle ee gobolka Bakool ku gawracday Maxamed Xasan Duban oo ahaa dhakhtar muddo dheer ka shaqaynayay magaaladaas.

breakingIdaleNews

Dadka deegaanka ayaa sheegay in marxuumka oo 70 jir ahaa gurigiisa lagala baxay goor dambe oo habeen ah, subaxdiina meydkiisa lasoo dhigay duleedka magaalada.

Guddoomiyaha Buur-dhuxunle, Aadan Huudow Axmed ayaa sheegay inay ku hawlan yihiin soo qabashada ciddii geysatay falkaas, ayna gacanta ku hayaan dad ay ku tuhmeen inay ku lug-leeyihiin dilka dhakhtarka.

Dhakhtarka la dilay ayaa muddo dheer xarun caafimaad ku lahaa Buur-dhuxulle, lamana garanayo sababta loo dilay.
Dhakhtarka ayaa in muddo ah u xirnaa malleeshiyada Al-Shabaab oo waagii dambe sii deysey, intii aan lagala wareegin gacan kuhaynta deegaankaas.

Idale News Online, Buurdhuxule