DEG DEG +Dhageyso:Dadkii Loo Haystay Qaraxyadii Baydhabo Oo La Xukumay

0
217

Baydhabo–(INO)–Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta Magaalada Baydhabo ku Xukuntay 7 Ruux oo loo heystay Qaraxyadii dhawaan ka dhacay Magaaladaasi.

breakingIdaleNews

Maxkamadeynta ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida Liibaan cali Yaroow iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Ilaa 7 Eedeysane oo Maxkamadda la hor keenay ayaa waxaa mid kamid ah  lagu Xukumay Saddex Sano oo Xabsi ah,iyadoo mid kale Maxkamadu ay siideysay,waxaana 5 kale lagu Xukumay Dil Toogasho ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Qof walba oo Dami ka gala Ummadda Soomaaliyeed laguna helo Dambi cad Xukun uu muteysan doono.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here