No.50(INO)- Dowlad Goboleedk koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kala erisey Odayaal iyo waxgaradka ku shirsanaan Degsaanka No. 50 Ee Gobolka Shabellaha Hoose,kuwaasoo la sheegey inay doonayeen in Gobolka Shabellaha Hoose ay ka dhisaan maamul lid ku ah Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Xasan Fiqi iyo Odayaal dhaqmeedyo oo Shaley Galinkii dambe halkasi gaarey ayaa kala eriyey Ergadii halkaasi ku shirsaneyd isla markaana maalmahan u socodey shir lagu Sheegey Aayaha Gobolka Shabellaha Hoose.
Maxmed Xasan Fiqi , Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Koonfur Galbed Soomaaliya oo Wareysi Siyey Warbaahinta Idale News Online, ayaa sheegey in dadkan laga keeney Magaalada Muqdisho, isla markaana haatan ay fashiliyeen Shirkood, waxna uu intaa raacey in arintan ay soo abaabuleen Qurbojoogta Ka Soojeeda Gobolkaas.
Halkan KaWareysiga
Idale News Online, No. 50