DEG DEG: Dagaal Xoogan Oo U Dhexeeya Beelaha Biimaal iyo Habargidir Oo Ka Socoda Magaalada Marko

0
539

Marko(INO)-Wararka naga soo gaaray magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in uu xoogeystay dagaal saacado ka hor bilowday uu dhaxeeya Maleeshiyada Beelaha Hawiye iyo Biimaal.

Dagaalka ayaa markii hore ka qarxay inta u dhaxeysa Sarta Maana Xaajow iyo Bar-cadada ee Xaafada Horseed halkaas oo ay soo gaareen Maleeshiyada beesha Habar gidir ah.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dagaalka hada uu xoogeystay islamarkaana uu ku fiday goobo kale oo hor leh, hada ayaa xabada waxay ka socataa agagaarka Isbitaalka Degmada Marka iyo Dooxa dhabarka dambe kaga beegan dhismaha xerada agoonta oo ku dhow gurigii WHO.

Dad ku sugan Marka ayaa soo sheegaya in dagaaalka ay ku biireen Maleeshiyo badan ee magaca Milateriga meesha ku jooga ka dib markii  la sheegey ay arkeen in dib loo soo riixay Maleeshiyada Beesha Habar gidir, waxaa aad loo maqlayaa dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan.

Wixii faafaahin ah dib ayaan kasoo sheegi doonnaa.

Idale News Online, Marko