DEG DEG: Dagaal xoog leh oo goor dhow ka bilowday degmada Afgooye

0
179

Muqdisho(INO)- Dagaal xoog leh ayaa ka bilowday degmada Afgooye oo ka tirsan gobolka Sh/hoose, dagaalkan ayaa waxa uu u dhexeeyaa ciidamada dowlada iyo dagaalyahano ka tirsan Alshabaab oo weerar ku soo qaaday fariisimo ay ku lahaayeen ciidamada dowlada degmada Afgooye.

Dagaalkan oo hubka noocyadiisa kala duwan la isu adeegsanayo ayaan la ogeyn qasaaraha ka dhashay hase yeeshee waxaa jira cabsi xoog leh oo soo wajahday dadka rayidka ah ee magaalada Afgooye.

Wararka ayaa sheegaya in ay ururka Alshabaab ay gudaha u galeen qeybo ka mid ah degmada Afgooye iyadoo ay tahay markii labaad oo ay weeraraan degmada Afgooye sanadkan. Dagaalyahanada ururka Alshabaab ayaa saddex jiho ka soo weeraray degmada Afgooye waxaana dagaalka qeyb ka ah ciidamada AMISOM oo saldhigyo ku leh magaalada Afgooye.

Wixii faahfaahin ah kala soco goordhow IdaleNews.com