DEG DEG:-Dagaal Culus oo Caawa ka Socda Xarunta Ciidanka DFS Ee Muuri G/Sh/Hoose

0
190

Muuri(INO)- Warar goordhaweyd kusoo dhacay Shabakada Idalenews.com ayaa waxay sheegayaan in Caawa dagaal xoogan uu ka socdo Dagaal Xoogan.

Koox Hubeysan ayaa waxay weerar ku qaadeen fariisin ciidanka Dawlada Soomaaliya ay ku lahaayeen deegaanka Muuri Ee Gobolka Sh/Hoose.

Jugta madaafiic iyo Rasaas xoogan ayaa waxa la sheegayaa in laga maqlayo deegaanka Muuri.

Lama oga kooxdaasi weerarka qaaday waxay yihiin waxaase loo maleenayaa inay katirsan yihiin Ururka Al Shabaab.

ISHA KU HAAY IDALENEWS.COM OO LA SOCO WARARKII UGU DAMBEEYEY EE CAALAMKA