DEG DEG: Dab xooggan oo lagu wareersan yahay damintiisa oo ka taagan suuqa wen ee Bakaaraha

0
248

Muqdosho(INO)- Waxaa ka taagan suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho dab xooggan kaas oo lagu wareersan yahay damistiisa. Qiiqa ka dhashay dabkan ayaa waxaa laga wada arkayaan guud ahaan magaalada.

Dabkan ayaa bilowday saakay abaarihii afarta subaxnimo, walina ma cadda halka uu sida rasminaga uga kacay iyo waxa dhaliyay.

Ganacsatada iyo dadweyne kale ayaa ku mashquulsan damintiisa, waxaana ay dadkii dukaamada ku lahaa qaarkood ay isku dayayaan in ay bad-baadsadaan alaabohooda.

Ma ahan markii ugu hirreysay oo uu suuqaasi dab xooggan qabsado.

Wixii kusoo kordha iyo sawirradaba kala Idale News Online