DEG DEG: Daawo Sawiro laga soo qaaday Qaraxyadii Nairobi Ka Dhacey Daqiiqado Ka Hor.

0
188

 labo Qarax oo Culus ayaa Goor-dhow waxa ay ka dhaceen Magaalada Nairobi, ee Caasimada dalka Kenya Maalmo kadib Digniino Argagaxiso oo Reer-Galbeedka soo saareen.

Qaraxyada ayaa waxa ay ka dhaceen Suuq Mashquul badan oo ku yaalla Nairobi waxaana ku dhintay ugu yaraan 4 Qof halka Tobonaan kale la sheegay in uu Dhaawacyo kala duwan uu soo gaaray.

Weerarkan ayaa dhacay Maalmo kadib markii ay dowlada UK ay soo saartay Digniino Argagaxiso oo ka dhaca Kenya, iyadoo Muwaadiniinteedana kala baxday dalkaasi. 300 oo Muwaadiniin u dhashay UK ayaa Maanta isaga baxay Kenya kuwaasi oo ka yimid Magaalada Mombasa

Bnwa5dZIUAEMuTG

Bnwe0jrIMAAYFvw BnwpXf_CcAEJ6d0 QARAXA1 twin_blasts_rock_gikomba_market_in_nairobi19304_L

Idale News Online, Nairobi.