DEG DEG: Cutubyo Ka Tirsan Ciidamada Daraawiishta KGS Iyo AMISOM Oo Gudaha Ugu Galey Degmada Marka

0
191

Marka(INO)- Magaalada Marka Waxa goordhow isaga baxay Dagaalayahaanada Shabaab oo shalay la wareegay, waxaana haatan Marka gudaha u galay Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya oo garab milateri ka helaya Ciidamada AMISOM.

breakingIdaleNews

Ilaa laba Guuto oo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu horkacaayo Gudoomiye Yariisow ayaa la wareegay dhamaan xarumaha Magaalada Marka Ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.

Maleeshiyaadka Dowlada Soomaaliya Taagyeerto ayaa isaga dhuuntay magaalada iyagoo aan la ogeyn halka jaan iyo cirib ay dhigeen.

Ugu dambeyntii, Xarumaha Ciidamada Daraawiishta KGS  ay gaareen waxa ka mid ah Dhismaha Burcad badeeda, Saldhigga Marka iyo xarumo kale oo xoog ay ku degenaayeen Qab qabliyaal Dagaal.

La soco goordhow wixii kusoo kordha.

Idale News Online, Marka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here