DEG DEG: Ciidmada AMISOM Oo Qof Rayid Ah Ku Dilay Gobolka Shabeelaha Hoose

0
336

Marka ( INO)-Qofkaan rayidka ah ee Ciidamada AMISOM maanta ku dileen deegaanka Lambar 60 ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay in uu ahaa qof Reer Miyi ah oo marayay nawaaxiga xarun Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaankaas Lambar Lixdan.

Wadada uu Murxuumku marayay ayaa la sheegay in ay ahayd meel ay Ciidamada AMISOM horay ugu diideen in dadweynaha ay marin ka dhigtaan , walow Marxuumk ay maanta dileen uu ahaa qof iska socoto ah oo Reer Miyi kaas oo aan waxba kala socon in goobtaasi ay degan yihiin AMISOM.

Goob Jooge la hadlay Idale News Online ayaa uga warbixiyay sida ay wax u dhaceen oo ku aadan dilka muwaadinkaas Soomaaliyeed dhulkiisa hooyo ay ugu geysteen Ciidamada AMISOM.

Ciidamada AMISOM ayaa dilalka Bareerka ah oo ay u geytaan dadka rayidka ah ay sii kordhayaan, kuwaas oo aanu jirin cid kala xisaabtanta, hadey ahaan lahaayeen, Baarlamaanka Guddiyadiisa, Arrimaha Difaaca, Gudaha iyo Arrimaha Bulshada iska daa masuuliyiinta sar sare ee dalka oo u muuqda in aysan waxba u arkin falalkaas Ciidamada AMISOM ay ku kacayaan.

Dhibaatooyinka AMISOM ay u geystaan rayidka oo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha iyo iyo sharciga Nabad ilaalineeda ee ruqsada loogu siiyay howlgalkooda ayaa caado ka dhigtay dhibaatooyinkaas.

Mana jirto Askari AMISOM ka tirsan oo loo Maxkamadeeyay gabood fallada dalka ay ka geystaan oo qaarkood la sheegay in ay ahaayeen Xasuuq sida dhibaato ay horay uga geysteen Magaalada Marka.

Idale News Online, Marko