Baydhabo(INO)- Ciidamada Booliska Gaarka ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa goor dhow dib ula wareegay deegaanka Goof-gaduud Shabeellow Ee Gobolka Bay oo Galbeed kaga beegan magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay illaa 30-KM.
Wasiirka hub ka dhigista, Dhaqan Celinta iyo tababarada maleeshiyaada Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed ( Xasan Eelaay) ayaa Goordhow u sheegey Shabakadda IdaleNews.com in Ciidamada KGS iyo AMISOM Si Buuxda ay ula wareegeen Dagaankaas.
Maleeshiyada Al-Shabaab Ee Dagaalka Adag kula jirta Dowlada iyo Ciidamada AMISOM ayaa Shaley la wareegay deegaankaas ka dib markii ciidamadii dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay isaga baxeen inkastoo haatan aay dib loogu Xureeyay oo aay ku sugan yahiin ciidaanka Booliska gaarka ah ee Koonfur Galbeed.
Ugu dambeyntii, Deegaanka Goof-gaduud oo ah deegaan Istiraatiiji ah ayaa waxaa uu isku xiraa degmooyin ka tirsan Gobolka Bay, sida Qansax-Dheere, Ufurow iyo Diinsoor.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay