Baydhabo(INO)- Dowlada Koonfur Galbeed oo galabta guulo ka sheegtay dagaalkii maanta ka dhacay Deegaanka Goofgaduud ee duleedka Magaalada Baydhabo, ayuu Maamulku sheegay in Shabaabka ay Goofgaduud kala kulmeen wax aysan fileynin.
Xasan Cabdi Maxamed, Wasiirka Warfaafinta ee Koonfur Galbeed, ayaa marka hore sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom, ay xaqiijiyeen gacan ku haynta Goofgaduud.
Wasiirka, ayaa cadeeyay in dagaalka lagu dilay afar ka mid ah Ciidamada Dowladda, iyadoo laba kalana looga dhaawacay, halka dhinaca Shabaabku uu sheegay in looga dilay sideed nin.
Wasiirka, ayaa ku ammaanay Ciidamada Dowladda inay si adag ula dagaalameen mintidiinta Al Shabaab, isagoo intaa ku daray in Shabaabku ay Goofgaduud kala kulmeen wax buu yiri aysan fileynin.
Isagoo la hadlaayay VOA, ayuu xusay in Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ay xilligan Shabaabka ku baacsanayaan Deegaanka Manaas, oo 45km u jira Magaalada Baydhabo.
Maxamed Isaaq Xasan (Cara-case), Taliye Ku Xigeenka Booliska gaarka ee Koonfur Galbeed, ayaa isaguna sheegay in Ciidamada Dowladda iyo Amisom ay xaaladda Goofgaduud ku soo celiyeen mid caadi ah.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka, ayaa saakay u soo cararay dhinaca Magaalada Baydhabo, markii ay xaqiiqsadeen in Shabaabku soo weerareen deegaankaasi.