DEG DEG: C/Casiis Lafta Gareen Oo Ku Guuleystey Kursiga Aqalka Hoose Ee BFS Ee 2016

0
183

Baydhabo(INO)- Waxaa Maalintii labaad ka Socoda Magaalada Baydhabo doorashada Aqalka Hoose Ee BFS 2016, Isla markaana waxa Goordhow C/Casiis Lafta gareen uu Ku guuleystey mid ka mid ah 3 Kursi ee Beesha  Hariin oo yaala Koonfur Galbeed Soomaaliya.

C/casiis lafta gareen ayaa heley 48, waxa xumaadey 1 cod.

Sidoo kale, Doorashada ayaa weli socota, iyadoo at musharraxiin badan ku tartamayaan 69-ka kursi ee la doonayo inay kasoo baxaan Koonfur-galbeed oo afar ka mid ah la doonayo inay haween noqdaan, sida at sheegeen guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya.

Wixii kasoo kordha doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Baydhabo waxaad kula socon doontaan wararkeenna soo socda haddii ALLE ogolaado.