DEG DEG: Beesha Caalamka Oo Kulan Gaar Ah Goordhaw La Galay Gaas iyo Axmed Madoobe iyo Qodobka Cadaadiska Lagu Saaray 2 Mas’uul

0
182

Muqdisho(INO)- Wakiilada Beesha Caalamka ee Magaalada Muqdisho,oo habeenimadii xalay u goobjog ka ahaa kulankii fshilka ku soo dhamaaday ee Villa Soomaaliya ayaa subaxnimadii hore ee Saaka waxay kulan qureeca ah la qaadan doonaan Madaxwaynaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe,iyo C/Wali Gaas,Wuxuuna kulanka dabo socdaa kulamo kale oo Beesha Caalamka ay labadan nin la qaateen.

Ilo Wareedyo Xog ogaal ah ayaa noo xaqiijiyey in kulankan uu yahay mid ay Beesha Caalanku doonayso in ay cadaadis ku saarto labada mas’uul kadib markii beesha Caalamku ay aragtay in DF Soomaaliya aan Mowqafkeeda la holing karin,oo ay adagtay in Dowladd Soomaaliya ay ka tansaasusho go’aankeeda.

Lama Oga in dadaalka Wakiilada Beesha Caalamku uu mira dhal noqon doono,waxaase soo baxaya warar sheegaya in Wafdiga Puntland ay isu  diyaarinayaan in ay Magaalada Muqdisho ka dhoofaan hadii kulanka Maanta ay waxba ka soo bixi waayaan.

Ugu dambeyntii,Golaha amaanka Qaramada Midoobay ayaa doonaya in ay Go’aan ka gaadhaan,Madaxda Soomaaliya masiirka dalka,inta ka horay Maalinta khamiista ee 28 Bishan,waxaan jira kulan ay qaramada Midoobay ka galayso xaalada Soomaaliya .

Idale News Online,Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here