DEG DEG: Ammaanka Magaalada Baydhabo Oo La Adkeeyay

0
578

Baydhabo(INO)- Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in aad loo adkeeyay ammaanka guud ee magaaladaasi.

Baydhaba Janaay.

Kadib markii madasha wadatashiga qaran ay isku raaceen in dhammaadka bishan magaaladaasi lagu qabto shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ayaa waxaa la arkayaa ciidamo badan oo magaaladaasi lagu soo daadiyey.

Dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Baydhabo waxaa la geeyay ciidamo badan oo Koonfur Galbeed Soomaaliya ah kuwaa oo amniga xaqiijinaya.

Madaxweynaha Dowlada Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in shacabka Baydhabo looga baahan yahay inay si aad ah usoo dhaweeyaan madaxda magaaladooda kusoo wajahan.

Dhinaca kale dagaal u dhaxeeya ciidamada Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Deynuunay ee duleedka magaalada Baydhabo, lamana oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo