Kulbiyow(INO)-Dabley ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerartay Kulbiyow Jubada Hoose halkaa oo ay ku gashay ciidamo ka tirsan kuwa KDF ee AMISOM.
Dagaalkaa oo cuslaa ayaa goob jooge u sheegay Idale News Online in al-Shabaab dableyda ka tirsan ay gawaari labo ah ku qarxiyeen midba mar si isku xigta ka hor intii aysan rasaas bilaabin.
Intaa kadib ayuu sheegay qofkaasi goob joogaha u ahaa dhacdadaa in ay dableydu gashay xero halkaa KDF ku leeyihiin. Weerarkaa ayaa aad u qaraaraa.
Dableydaa ayaa lagu soo waramayaa in ay qabsatay xeradaa iyo magaalada Kulbiyow labadaba.
Si kastaba ha ahaatee wali lama xaqiijin karo warkaa ah inay qabsadeen xerada iyo magaalada intaba. Majiraan ilo wareed kale oo madax bannaan oo xaqiijin kara qabsashada.
Weerarkaan ayaa imanaya ayadoo weerar ay al-Shabaab ku qaaday Hotel Dayah Muqdisho labo maalmood un ka hor halkaa oo dhowr iyo labaatan qof ugu yaraan ay ku dhinteen.