DEG DEG: Abwaan Isaaq Abgaalow Oo Maanta Ku Geeriyoodey Magaalada Baydhabo

0
1187

Baydhabo(INO)- Alle ha u naxariiste waxaa Galabnimadan oo Taariikhda aya tahay 15 May 2016  magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ku geeryoodey Halgamaagii ugu weynaa Ee RRA Abwaan Isaaq Nuurow (isaaq Abgaaloow).

Abwaan Isaaq Abgaalow waxa uu ka mid yahay abwaanada waa weyn ee dalka Soomaaliya

waxaana lagu xasuusan doonaa halgankii dheeraa ee xiligii Salbalaarta isla markaana waxa uu ahaa Abwaanada Dhiira galinayey Jabhadii RRA ee dagaalka adag kula jirtey Jabhadihii USC iyo Weliba ONLF.

Abwaanka ayaa waxa sidoo kale lagu Xasuusan doonaa isagoo Qorigiisa AK47  kaliy Uu wato oo  dharaar cad Saldhiga Baydhabo iyo Xabsiga Baydhabo kasii deyney 860 Maxbuus kuwaasoo ay xirteen Kooxdii salbalaar Ee USC , waxuuna uu Ka mid ahaaa Ciidamadii RRA ee Maalinta xureeyey Magaalada Baydhabo.

Isaaq Abgaaloow waxuu ahaa hogaamiyaasha Jabhadii RRA , waxuuna aad u guubaabinayey Ciidamada RRA ee ku sugnaa Aaga Dhanqoog Ee Koonfurta Magaalada Baydhabo.

Ugu dambeyntii Maalinta Berito ayaa waxaa lagu aasi doonaa Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay
Alle Waxaan Ugu Baryeyna  inuu janada Fardowsa ka waraabiyo eheladiisan Samir iyo Iimaan.

Isaaq Abgaalow

Ilaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun

Idale News Online, Baydhabo