DEG DEG: 5 Ruux oo ku dhintay Shil ka dhacay Duleedka Magaalada Baydhabo

0
183

Baydhabo (INO) — Ugu yaraan 3 Ruux ayaa ku dhintay, 10 kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Shil khasaaro geystay uu ka dhacay Duleedka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

Shilkan ayaa yimid kadib markii Gaari nuuca loo yaqaano Hoomey ay ku dhacday Gaari kale oo ah nuuca xamuulka qaada,

Dadkii ku dhaawacmay Shilkaasi ayaa loo qaaday isbitaalada ku yaalla Magaalada Baydhabo, si halkaasi loogu dabiibo.

Inta badan Shilalka ka dhaca Dalka Soomaaliya ayaa waxaa loo aaneeyaa dareewalada kuwaasi oo lagu eedeeyo in aysan wax khibrad ah u la heyn ka xeynta Gawaarida.