Baydhabo(INO)- Kooxo hubaysan oo heybtooda aan la garaneenin ayaa Caawa waxa ay xaafadda Buulo Hadamo ee magaalada Baydhabo ay si xun ugu toogteen ilaa iyo labo qof oo xaafadaasi ku sugnaa.
Sababta dhabta ah ee loo bartilmaamsaday labadaasi qof oo meydkooda laga soo qaaday xaafadda Buulo Hadamo ayaan la ogeyn sababta loo dilay.
Hase yeeshee wararka qaar ee magaalada laysla dhexmarayo ayaa sheegaya in labadaasi Mid ka mid ah uu ka tirsanaa ciidamada dowladda soomaaliya gaar ahaana kuwa booliiska,majirnto laakiin cid madaxbannaan oo taa xaqiijinaysa.
Waxaa laga kala yaacay xaafadda Buulo-Hadamo oo ah goobta falka dilka ah uu ka dhacay, ayadoona albaabada laysugu dhuftay goobihii gacansiga ah ee xaafadaasi sababo dadka oo ka cabsi qaba in ciidamo booliis haddii ay goobta soo gaaraan ay dhibaateeyaan.
Goob joogayaal xaafadda Buuo-Hadamo ku dhaqan waxay ku waramayaan in labadaasi nin Midkoodu uu booliis lagu sheegayo ay dileen ilaa iyo saddex qof oo bastoolado ku hubaysanaa isla markaasina sida la sheegay ay ka baxsadeen goobta.
Ugu dambeyntii, maalmahan dambe Baydhabo waxay noqotay meel ay ka dhacayan dilal ay geesanayaan kooxo hubaysan ciidamada dowladda Baydhabo ku suganna waxay noqdeen kuwa tabar u heliwaayay inay wax ka qabtaan amaandarida Magaalada Baydhabo, Iyadoona khamiistiis ala soo dhaafey lagu diley Wariye Daa’uud cali Cumar, Xaaskiisa iyo Nin kale oo fuundo ahaa oo lagu magacaawayo Cali Gaajo.
Idale News Online, Baydhabo