Muqdisho ( INO)-Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayow oo ka tirsanaa Baarlamaankii KMG Soomaaliya ayaa Ka warbixiyay in deegaanno ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ay go’doomiyeen Xarakada Al Shabaab.
Waxaana Xildhibaanku carabka ku adkeeyay in Deegaanadaasi aan la tagi Karin islamarkaana ay daafaha deegaanadaasi ku sugan yihiin Xarakada Al Shabaab.
“ Suura galna ma aha in Gargaar Beni’aadanimo la gaarsiiyo goobaha ay go’doomiyeen Al Shabaab oo dad tabaaleysan ay ku sugan yihiin” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayow.
Deegaanada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu ka mid yahay meelaha ay sida ba’an u saameysay Abaaraha ku dhuftay Soomaaliya.