Ciidamada Amniga ee sida gaarka u tababaran ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana howl galka kaddib ciidamada ay dib isaga soo baxeen deegaanka.
“Howlgal uu ciidanka amnigu ka fuliyay Deegaanka Mubaarak ee Gobalka Shabeellaha Hoose habeennimadii 11-ka Sebtembar, ayaa is rasaaseyn kadib waxaa lagu dilay xubin Al–Shabaab ah, kuwa kalana lagu dhaawacay, Kooxdaan ayaa ku howlanaa weeraro ay ka gaysataan magaalada Muqdisho”ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka ee NISA.
Sidoo kale waxaa lagu sheegay in ciidamada amniga ay dib isaga soo baxeen deegaanka, si dagaalka uusan shacabka waxyeello uga soo gaarin.
“Ciidamada amniga ayaa dib uga soo baxay dagaalka si aysan shacab wax uga soo gaarin., Ciidamada Amniga waxaa ka go’an inay shacabka ilaaliyaan halka Alshabab ay had iyo jeer beegsadaan dadka rayidka ah kuna dhax dhuuntaan”ayaa lagu lagu qoray barta Twitter-ka ee NISA.
Magaalada Muqdisho iyo deegaanada u dhow dhow ayaa Ciidamada ammaanka ka fuliyaan howlgalo qorsheysan.