Deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho oo qarax lagu;a eegtay kolonyo ciidamada AMISOM

0
257

Wararka ka imaanaya deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in mid ka mid ah gaadiidka AMISOM oo Kolonyo ahaa qarax miino lala eegtay, iyadoo gaariga uu soo gaaray qasaare.

Sida ay sheegayaan wararka Miinooyinka dhulka lagu aaso ee laga hago meelaha fog fog ayaa la sheegay in gaadiidka AMISOM lagu qarxiyay, hase ahaatee si dhab ah looma oga qasaaraha gaaray ciidamada.

Dad Goob joogayaal ayaa sheegaya in markii qaraxa lala eegtay gaadiidka ciidamada ay durba goobta isku gedaameen ciidamo kale oo la socday gaadiid kolonyo ahaa.

Ma jirto ilaa iyo hada war ka soo baxay AMISOM oo ku aadan qaraxa lala eegtay mid ka mid ah gaadiidkooda, waxaana horay u jiray qaraxyo gaadiidkooda gudaha Muqdisho iyo wadooyinka Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Bay isku xira lagula eegtay qaraxyo miino

qaraxAmisonKismaayo

Idale News Online