Dawo La’aan Soo Wajahday isbitaalka Guud Ee Degmada Xudur

0
175

Xudur(INO)- Maamulka Isbitaalka guud ee degmada Xudur ayaa ka deeyriyay xaaladda Isbitaalkaasi, isagoo dalbaday in lala soo gaaro Dawo lagu dabiibo bukaannada jiifa isbitaalka.

Agaasimaha ispitaalka guud degmada Bakool C/xakiin Macalin Aadan ayaa Warbaahinta u sheegay in Isbitaalkaasi ay soo wajahday xaalad dawo yari ah, isagoo intaasi ku daray in bukaanada jiifa xiligan aysan heli karo dawo lagu baxnaaniyo caafimaadkooda.

Sidoo kale agaasimaha ayaa dalbaday in gurmad deg deg ah lala soo gaaro Isbitaalkaasi, isagoo ka digay in xaaladda bukaannada ay halis ku jirto haddii aan isbitaalka la soo gaarsiin dawo dabooli karta baahida bukaannada jiifa isbiraalkaasi.

Ugu dambeyntii, Bukaannada ah ee jiifa Ispitaalka guud ee gobalka Bakool  ayaa haataan waxaa soo wajahay dhibaato xooggan oo dhanka dawo la’aanta ah, iyadoo marba marka ka danbeysa isbitaalkaasi ay gaarayaan  bukaano fara badan oo ka kala yimaada deegaano ka tirsan gobolka Bakool.