Sida ay qortay wakaalada wararka ee Xinhua ciidamada Kenya ayaa sheegay in ay ku dileen 22 dagaalyahan oo katirsan Al-shabab dagaal kadhacay deegaanka Bula Gaduud ee Gobolka Jubbada hoose ,ee koonfurta Somalia.
Afhayeen uhadlay ciidamada daafaca wadanka Kenya David Obonyo ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay Al-shabab ka xoreeyeen sida uu yiri Buula Gaduud islamarkaana ay burburiyeen baabuur ay kooxdu lahayd hub iyo rasaasna gacanta ay kaga dhigeen.
Kenya ayaa aamisan in Buula gaduud ay ahayd halka laga soo qorsheeyo weerarada Al-shabab ay kusoo qaadaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Afhayeen Obonyo waa uu sii hadloo waxa uu yiri askari katirsan ciidamada Kenya iyo 3 somali ah ayaa ku dhaawacmay xiligii dagaalka uu socday ee aynu wadnay gulfka kadhanka Al-shabab.
Kasaaritaanka buula gaduud ee Al-shabab ayaa imaaneesa xili ciidamada huwanta ah ay Al-shabab kala wareegeen degmada Adale ee gobolka shabellada dhexe 3 Bishan ,si lamid ah taasina shabaabku gacantooda waxaa kabaxday magaaladii muhiimada gaarka u lahayd ee Baraawe oo maalintii shalay ahayd ciidamadu ay xaqiijiyeen in ay gacan buuxa kuhayaan,balse Al-shabab wali gacantooda waxaa kuharsan Bardhere, Diinsoor, Jilib, Bu’ale, Jamame, Celdheer,iyo Harardhere.
Idale News Online, Nairobi