Muqdisho(INO)-Dowladda dalka Imaaraadka Carabta ayaa si xooggan u cambaareysay weerarkii argagaxiso ee maanta lagu qaaday hoteel ku yaalla magaalada Muqdisho, kaas oo galaaftay nolosha dad gaaraya 20 qof, halka kuwa kale oo badan-na ay dhaawacmeen.
Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan ayaa amar ku bixiyay in dadka ku dhaawacmay weerarka loo duuliyo dibadda si ay u helaan daawayn caafimaad oo horumarsan, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Emirates News Agency.
ENA ayaa ku tilmaamtay tallaabadan mid dareen muujin ah oo UAE ay ku caddaynayso inay ku garab taagan tahay Soomaaliya dagaalka adag ee ay kula jirto argagaxisada iyo kooxaha mayalka adag.
Idale News Online, Muqdisho.