Dastuurka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo La Dhameystirey

0
218
Gudiga farsamo ee maamul u sameynta gobollada koonfur galbeed oo ka kooban Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose ayaa sheegey in ay dhawaan la soo badnhigi doono dastuurka KMG ah ee uu yeelanayo maamulkaasi.

Afhayeenka guddigan Maxamed Xasan Fiqi ayaa sheegay in la qoray dastuurka dhawaana la horgeyn doono odayaasha dhaqanka si ay uga doodaan isla markaana u ansixiyaan.

maanta oo talaado ah ayaa lagu wadaa in odayaasha dhaqanku ay yeeshaan kulan ay uga doodi doonaan dastuurkaas. Odayaal hor leh oo ka socda gobollada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose ayaa gaaraya magaalada Beydhabo kuwaas oo ka qeyb galaya shirka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha amniga Ibraahin Isaaq Yaroow iyo wasiirka ciyaarada iyo dhallinyarada Khaalid Cumar Cali ayaa ka mid ah masuuliyiinta ay dowladdu u xilsaartay inay fududeeyaan shirkaas.

Guddiga farsamo ee ay dowladdu u magacowday sameynta maamulkaan ayaa bilo ku howlan sidii la isu waafajin lahaa bulshada isla markaana ay isugu raaci lahaayeen maamul ay u dhan yihiin bulshada degta gobolladaasi.

Dastuurd

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo