Danjire Nichulus Kay Oo War Lama Filaan Ah Ka Sheegay Soomaaliya

0
236

Muqdisho(INO)-Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay ayaa sheegay Soomaaliya inay ku socoto wadadii midnimada iyo qaran federal ah, inkastoo uu sheegay inay wajahayso xaalado amni.

SHARIIF IYO KAY BAYDHABO

Nicholas Kay ayaa sheegay geeddi-socodka siyaasadda Soomaaliya ee haatan inuu meel wanaagsan marayo  sababtoo ah Soomaalidu oo doonaysa in ay abuuraan dalka si fiican loo maamulo.

Wakiilka Qaramada oo wareysi siiyay Idaacadda Qaramada Midoobayo  ayaa dhinaca kale sheegay inay wax badan ka badali doonaan ammaanka shaqaalaha Qaramada Midoobay Soomaaliya, si looga hortago qatarta argigixisada Alshabaab.

Amb. Kay ayaa sidoo kale nasiib darro ku tilmaamay deegaanada ay weli gacanta ku hayaan kooxda Alshabaab, kuwaasoo kasoo horjeeda in gargaarka bini’aadamtinimada la gaarsiiyo dhulka ay maamulaan.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here