Danjire Keating oo la kulmay Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka

0
220

Muqdisho(INO)— Wakiilka Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya  Michael keating ayaa la kulmay xalay  Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka iyagoo ka wadahadlay go’aanka dhowaan ay soo saareen guddiga.

Kulankan oo la sheegay in ay albaabada u xirnaayeen ayaa labada dhinac waxa ay ka wada hadleen go’aankii lagu baabi’iyay natiijadii ka soo baxday doorashada ee 11ka kursi.

Lama oga natiijada ka soo baxday kulankan hase yeeshee waxaa la filayaa in dhowaan ay war ka soo saaraan labada dhinac.

Go’aanka lagu laalay 11 kursi ayaa abuuray khilaaf hor leh iyadoo maamul goboleedyada dalka ay  ka soo horjeesteen go’aankaas. Waxaana sidoo kale ka soo horjeestey go’aankan Guddiga Doorashooyinka heer Maamul goboleed.

Qoraal ka soo baxay dhowaan beesha caalamka ayaa loogu baaqay Madasha Wadatashiga Qaran inay si dhow ula shaqeeyaan guddiga xalinta khilaafaadka, waxana la filayaa in ay kulan wada yeeshaan Madasha Wadatashiga Qaran iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka.