Danjire Keating Oo Ku Fashilmay Iska Horgeynta Madaxweyne Xassan Sheekh &Prof. Jawaari + Khilaaf Xoogan

0
474

Muqdisho (INO)-Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating, ayaa ku fashilmay qorsho uu ku doonaayay inuu isaga horkeeno Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Keating oo siyaabo kala duwan ula kulmay Xassan iyo Jawaari ayaa isku dayay inuu ka dhex abuuro Khilaaf si aan shaki loogalin howlaha doorashada iyo dhismaha Baarlamaanka cusub ee uu yeelan doono dalka.

Keating, ayaa Prof. Jawaari u sheegay inay soo gaartay cabasho kaga imaaday dhanka Madaxweyne Xassan, taa oo ku aadan in howlaha doorashada iyo qabanqaabadeeda uu hortaagan yahay Jawaari, waxa uuna Mr Keating jawaari u sheegay in marnaba aysan ka aqbali doonin inuu hor istaago hanaanka uu madaxweynaha u dhaqaajinaayo howlaha doorashada.

Keating, waxa uu sidoo kale, Jawaari u sheegay in Xassan Sheekh uu ka cabanaayo in xiliga la joogo uusan garan karin qabyo qoraalka Dastuurka, ka gadaal markii leysku dhex qasay qodobada Dastuurka, taasina ay u baahan tahay in la helo wakhti lagu saxibo.

Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo aad uga carooday hadalada uu usoo gudbiyay Keating, ayaa carro kala duldhacay  Madaxweyne Xassan Sheekh waxa uuna ku qabsaday inaanu axdi laheyn islamarkaana arrimihii ka dhexeeyay u sheegay Keating.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa si ay dhiirnaan ku jirto isaga fogeeyay wararka uu kala gudbiyay Mr Keating, waxa uuna Madaxweynuhu sheegay in marnaba uusan kala hadlin arrimo la xiriira Baarlamaanka.

Keating ayaa maslaxad u arka iska horgeynta Madaxweynaha Somalia iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari, waxa uuna rumeysan yahay in kala fogeynta labadaasi mas’uul ay sahli karto in wax waliba oo ka qarsoon Beesha Caalamka ay banaan yimaadan.

Si kastaba ha ahaatee, Beesha Caalamka ayaa mar waliba danta Umadda Soomaaliyeed ka hormarisa teeda gaarka ah.

Idale News Online, Muqdisho