Muqdisho (INO)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno ilo wareedyo ka howlgala Xarunta QM ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabilsan Arrimaha Somalia Michael Keating uu Dacwad ka dhan ah Madasha wadatashiga u gudbiyay Dowladiisa Britain.
Wararku waxa ay sheegayaan in Michael Keating uu Dowladiisa ku wargaliyay in howsha loo igmaday uu ka wadi la’ yahay dowlado Yar yar oo faraha kula jira Siyaasada Somalia, isaga oo ka dalbaday in arrintaani wakhti hore ay kala xaajoodan QM, haddii aan wax laga qabana ay ku fashilmi doonaan hogaaminta Siyaasada Somalia.
Michael Keating, ayaa sheegay in go’aankii leysla gaaraba ay wakhti yar kadib ay madaxda Soomaalida bilaabayaan inay ka baxaan, go’aankii leysla gaaray.
Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in Michael Keating dacwadiisa kadib ay Dowlada Britain Safar degdeg ah ku amartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda wadankeeda si uu qeyn uga noqdo muranka Madaxda Soomaalida.
Philipp Hammond oo ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda Britain ayaa lagu wadaa in maanta uu soo gaaro magaalada Muqdisho, waxa uuna ujeedkiisa ugu weyn yahay in Madaxda uu kala qeybgalo shirka wadatashiga si go’aan maanta looga soo saaro.
Wasiirka Arrimaha dibadda UK Philipp Hammond,waxaana uu Kulamo la qaadan doonaa Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Philipp Hammond ayaa Madaxda Dowladda Federaalka sidoo kale, kala hadli doona Arrimo la xariira Doorashooyin Soomaaliya ka dhici doona Bisha August ee Sanadkaan. Amaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana xiran wadooyinka qaar.
Idale News Online, Muqdisho