Muqdisho (INO)-Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Micheal Keating, ayaa Dowlada Somalia ugu baaqay inay ka faa’iideysato wakhtiga kooban ee uga harsan Doorashada.
Keating waxa uu sheegay in Beesha Caalamka aysan u dulqaadan doonin Khilaaf mar danbe soo kala dhex gala Dowlada Somalia iyo Maamulada dalka.
Keating, waxa uu ku goodiyay in wakhtiga ka harsan doorashada Somalia ay iyaga soo saari doonaan waxyaabaha ay u arkaan in maslaxad ay ugu jirto shacbiga Soomaaliyeed, waxa uuna nasiib darro ku tilmaamay in dad wada dhashay ay calaamad u noqdaan kuwa is naceb.
Keating, ayaa Madaxda Soomaalida ku sifeeyay inay yihiin kuwo ka tagay damiirka iyo dadnimada, waxa uuna sigaar ah farta ugu fiiqay maamulada dalka ka jira oo iyaga isku mashquulsan xili dadka ku nool goboladooda ay saaxiib u yihiin baahi iyo jahwareer.
Keating, ayaa sheegay in fursadii ugu danbeysay ay noqon doonto shirka madasha oo ay kusoo xireen magaalada Muqdisho, kaasi oo looga doodaayay maqaamka Gobolka Banaadir iyo arrimaha doorashada.
Dhanka kale, Keating waxa uu ka digay in xili Somalia ay ku jirto xaalad adag ay madaxda dalka isku mashquulaan.
Idale News Online, Muqdisho