Muqdisho(INO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya, R.wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar C.rashiid iyo Xubnaha Labada Gole ee dowladda ayaa umadda soomaaliyeed uga tacsiyeey Geeridii ku timid Wakiilka dowladda soomaaliya u fadhiya xarunta Xuquuqul Aadanaha Ee Geneve Yuusuf Maxamed Ismaaciil.
yuusuf Maxamed Ismaaciil Baribari ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray Weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Maka Al Mukarama.
Alaha u naxariistee Yuusuf Baribari ayaa ahaa Diblumaasi ka soo sheqeyay dalal badan oo caalamka.
Idale News Online,Muqdisho