Muqdisho(INO)-Wuxuu sheegay Mr Lazzarini in hormar la taaban karo la gaaray Labadii sano ee u danbeysay,isagoona si gaara u xusay in xaalada amniga dalka uu yahay mid ah hada lagu faani karo heerka uu marayo.
Sidoo kale,Kuxigeenkii wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay Ee Soomaliya oo dhawaan xilka laga qaaday ayaa cadeeyay in markii ugu horeysay nabad dhab ah iyo waliba dhismaha Dowlad goboleedyo ay ka hana qaada Soomaaliya ay yihiin kuwo agendahooda miiska uu saaran yahay,islamarkaana la doonayo in Shacabka Soomaaliyeed iskooda isku maamulaan,sida uu hadalka u dhigay.
Iyadoo arimahan oo dhan ay jiraan ayaa hadana, Philippe Lazzarini wuxuu sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya u baahan tahay inay wax ka qabato arimaha musuq maasuqa iyo waliba Qatarta kaga imaaneysa Kooxda Islaamiyiinta,sida uu Yiri Lazzarini.
Dowladaha reer galbeedka ayaa kordhiyay taageerada xukuumada haatan jirta oo ah Dowlad rasmi oo mudo 45 ka dib xafiiska la wareegtay sanadkii 2012.
Ugu danbeyntii. Lazzarini ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay sida haatan ay wax kaga socdaan Soomaaliya.
Idale News Online, Muqdisho