Dalka Suuriya: Safiirka Mareynkanka ee Qaramada Midoobay Nikki Haley,ayaa sheegtay in Ciidamada Mareynkanka aysan ka bixi doonin

0
191

Sida ay sheegtay Haley,Saddexda ujeedo ee ay tahay inuu Mareynkanka ka gaaro xaaladda Suuriya si uu ciidamadiisa ugala baxo waxay tahay marka hore in “Mareynkanka uu hubiyo in Hubka Kiimikada loo adeegsan si kasta oo Qatar gelin kara danaha Mareynkanka,’ in laga adkaado Kooxda Islaamiga ee Ciraaq,sidoo kalena loo yaqaano ISIS iyo iney helaan hab wanaagsan oo meel sare kaga eegaan waxay Iiraan sameyneyso.

“Waa hadafkeennu” inaan aragno ciidamo Maraykan ah oo dib dalkooda ugu soo laabtay, laakiin ma doonayno inaan baxno ilaa aan ka ogaanno inaanu fulinay Ujeedkeena,” ayay Haley u sheegtay Fox News.

Wareysi gaar ah oo ay bixisay Safiirka Mareynkanka ee Qaramada Midoobay Nikki Haley ayay ku sheegtay in Mareynkanka uu diyaariyay cunaqabateyn cusub oo ka dhan ah Ruushka oo ku saabsan taageerada uu siiyo madaxweynaha Suuriya Bishar Al-Assad.

Xiriirka u dhaxeeya Xukuumadaha Moscow iyo Washington ayaa aad u kacsan ka dib markii Dowladaha Mareynkanka,UK iyo Farance ay qaadeen weerar dhanka cirka ah oo ka dhan ah xarumaha Hubka Kiimikaada ee Dowladda Bishar Al-Assad.