Dageyso:Dowlada Soomaaliya oo soo dhaweysay duqeyntii lagu dilay Adan Garaar

0
398

Muqdisho(INO)-Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay weerar diyaarad Maraykanku leeyahay ay Jimcihii ku dishay Adan Axmed Isaq Garaar oo ka mid ahaa saraakiisha sare-sare ee ururka al-Shabaab. 

Wasaaaradda difaaca Maraykanka ee Pentagon-ka ayaa shalay xaqiijiysay dilka Adan Garaar, waxayna sheegtay inuu ka mid ah ahaa garab ka tirsan Al-Shabaab oo lala xiriirayay weerarkii suuqa Westage ee magaalada Nairobi.

Wasiirka Arimaha dibedda Somalia, Abdisalam Hadliye Omar ayaa VOA u sheegay in Soomaaliya aysan noqon doonin meel ay isku-qariyaan al-Shabaab. 

Sidoo kale ayaa ka hadlay wadahadalada u socda Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.


Adan Garar ayaa shabaab u qaabilsanaa weerarada dibada ay ka fulin jireem,islamarkaana ku lug lahaa sida war ka soo baxay Pentagonka Mareynkanka lagu sheegay weeraro lagu qaaday shaqsiyaad Mareynkan ah iyo waliba danaha kale ee reer galbeedka.


Idale News Online, Muqdisho