Baydhabo(INO) — Warar laga Helayo Deegaanka Raama-cadeey oo ku dhow Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay ayaa sheegaya inuu Maanta ka dhacay Dagaal Qaraar oo u dhexeeyay ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Xoogag Al-shabaab ka tirsan, kaasoo uu ka dhashay khasaare nafeed oo soo gaaray labada dhinac.
Sidoo kale, deegaanada Buur-dhuxunle iyo War-gudud oo kawada tirsan Gobalka Bakool ayaa lasoo sheegaya inay ciidamada Itoobiya oo ay wehliyaan ciidamada Liyuu Boolis-ka deegaanka Soomaalida ay kula Dagaalmeen xoogag Al-shabaab ka tirsan oo fariisimo ku lahaa deegaannadaas.
Wararka ay sheegaya in Ciidamada dalka Itoobiya iyo kuwa Liyuu Booliska ay Xasuuq u geysteen dad shacab ah oo ku sugnaa deegaannada lagu dagaalamay, iyadoo tirada dadka ku dhintay Buur-dhuxunle iyo War-gaduudo la sheegayo inay 21-qof gaarayaan, kuwaasoo isugu jiray Reer-guuraa ah Beeraley.
Ugu dambeyn, Dadka ku nool Goballada Bay iyo Bakool ayaa Waxaa Maanta laga Jaray isgaarsiinta Shirkadda Hormuud, balse ay weli shaqeynayaan is-gaarsiinta shirkadaha kale sida; Somtel iyo Nationlink.
Idale News Online, Baydhabo