Dagaalkii ugu Qararaa oo Ka Qarxay Gobolka Hiiraan iyo Warar Hordhac ah Oo Kasoo Baxaya.

0
216

Baledweyne(INO)Wararka naga soo gaaraya gobolka hiiraan ayaa sheegaya in dagaalkii ugu qarara oo saakay aroornimadii hore uu dib uga qarxay deegaanka deefoow ee gobolka hiiraan Dagaalka ayaa yimid kadib markii weerar xoogan ay ku qaadeen deegaankaasi mid ka mid ah maleeshiyaadka deegaankaasi ka talin jiray waxaana wararka hordhaca ah ay sheegayaan in deegaanka gacan ku hayntiisa ay la wareegeen maleeshiyaadkii weeraray deegaankaasi.

Ugu dambeyayntii warar kale oo hoose ay heshaya shabakada wararka qarsoon soo bandhigta ee xoghoose.com ayaa sheegaya in maleeshiyaadkii deefoow laga saaray ay ku sugan yihiin goob aan sidaa uga fogeyn deefoow waxaana wararku intaa ku darayaan in gurmad ay soo gaareen maleshiyadii laga saaray deegaan oo ay kaabayaan ciidamada Liyuu boliska ee dalka itobiya.

Idale News Online, Baledweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here