Garbaharey-Dagaal Culus oo u dhaxeeya Al shabaab & Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo Garab ka helaya Ciidanka Ethiopia ayaa Maanta ka dhacay Gobolka Gedo.
Wararka Keydmedia Online ka helayso Gobolka Gedo, ayaa sheegay in Dagaalka uu billowday kadib markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia oo Saakay kasoo dhaqaaqay Garbahaarey ay jidka u galeen Maleeshiyada Al shabaab.
Ciidamada la weerary ayaa kusii jeeday Deegaanka Faa Faxdhuub, halkaasi oo hadda Fariisin u ah Ciidamada Huwanta ah ee doonaya in ay weeraraan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, oo Al shabaab ku sugan yihiin.
Tuulo Barwaaqo, waa Difaacii ugu danbeeyay oo Kooxda Al shabaab ka difaacanayso Degmada Baardheere, oo ay ku wahan yihiin Ciidamada Dowladda FS, Ahlu Sunna iyo kuwa Ethiopia.
Lama oga Khasaaraha Rasmiga ah ee Dagaalka, balse waxa ay Wararku sheegayaan in uu jiro Khasaaro Labada dhinac soo gaaray.
Dhanka kale, Kooxda Al shabaab ayaa Weerar ku qaaday Maanta Saldhigyada Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM, ee Degmada Buurdhuubo oo dhowaan laga saaray Al shabaab.
Idale News Online, Garbahaarey.