Dagaal ka dhaca Magaalada Baydhabo oo laga digay

0
188

Baydhabo(SHL-NEWS)-Maxamuud Nuur Xuseen oo ka mid ah Duqeyda Dhaqanka ee Magaalada Baydhabo ayaa Muujinaya in uu Gobollada Maamulka loo dhisayo ka dhici doono Dagaal Sokeeye kii ugu Xumaan ee Dalka ka dhaca Abid.

Oday dhaqameedku, sidoo kale waxaa uu Dhaliilay Kaalinta Dowladda ee Shirka ka socda Magaalada Baydhabo oo Markii horena ay Iyadu Furtay, haddana aan wax Talo ah laga siin, waxaana uu sheegayaa in aysan Dowlad dhexe sidaan u Dhaqmi jirin uusana Garan Karin waxa sababaya in ay Lumiso Kaalinteedii.

Shirka Magaalada ka socda ayaa waxaa uu sheegayaa in uu yahay mid aysan dadka Magaaladu la Dhacsaneyn, “aad ayaan uga Xunahay in wax la dhoodhoobay dadka laga Dhaadhiciyo, Bulshadu iyadaa Doorashada Cidda ay Rabaan, in loo Madax Banaaneeyo ayaa ah waxa ug saxan” ayuu Hadalkiisa Raaciyay.

Ugaas Nuur

Idale News Online – Baydhabo