Daawo:Dagaal gacan ka hadal ah oo dhex marey Mudanayaal Barlamaanka Turkiga ka tirsan

0
366

Ankara (INO) – Kulan ay lahaayeen barlaamaanka dowlada Turkey oo la rabey in lagu ansixiyo sharci xasaanada looga qaadaayo, isla markaasna ogolaanaaya in la xiri karo xildhibaanada lagu tuhmaayo in ay xiriir la leeyihiin ama taageersan ururka Kurdiyiinta ay leeyihiin ee PKK kuwaasoo dagaal toos ah kula jira dowlada Turkiga ayaa ku dhamaadey fowdo iyo gacan ka hadal.

Dagaalkaas oo gacanta la isula tagey ayaa waxa uu dhex marey mudanayaasha mucaaradka gaar ahaan kuwa Kurdiyiinta oo taageero ka helaayo xildhibaano ay isku siyaasad yihiin oo dhinac ah iyo kuwa xisbiga talada dalka haaya ee AKP.

Gudoomiyaha Barlamaanka Turkiga ayaa sheegay inuu shirka xiran yahay ka dib markii uu xakameyn waayey dagaalka iyo fowdada shirka waxuuna sheegay in maalinta Isniinta ee soo socoto dib la isugu soo noqon doono. Lamana oga in sharci buuqa keenay dib looga doodi doono iyo in kale marka maalinta Isniinta la isu soo noqdo.

Idale News ONline, Ankara.