Dagaal Culus Oo Ruxay Degaano Ka Tirsan Gobolka Gedo

0
199

Gedo(INO)-Ciidamada dowladda oo garabsanaya kuwa Ahlu Sunna Wal Jamaaca ayaa dagaal kula wareegey deegaan lagu magacaabo Goowraar oo 18 km u jirta magaalada Buurdhuubo.

Sida uu sheegey Col. Nuux Xaaji oo ka tirsan ciidamada dowladda ee Gedo, ciidamada ayaa dagaalka qaaday kadib markii ay ka warheleen in dagaalyahano Alshabaab ay soo dageen deegaankaa Goowraar, halkaasina qasaare ugu geysteen.

“Ciidamadayaga ayaa waxa ay saakay ka hawlgaleen meel 18km Buurdhuubo u jirta, waxayna ka ceeyriyeen nimankii khawaariijta ahaa oo aagaasi soo galay” ayuu yiri Col. Nuux

Waxa uu intaasi ku daray in ay Alshabaab ka dileen 3 askari, kana qabsadeen saanad ciidan oo ay rasaas ka mid tahay iyo raashiin ay meesha ku bisleysanayeen.

Waxa uu sheegey in dad xoolo dhaqato ah oo caano keeni jirey magaalada ay mee

sha caano kaga daadiyeen, kuna dhibeen.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Alshabaab oo ku aaddan dagaalkani.

Idale News Online, Gedo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here