Laanta Buuro(INO)- Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa saqdii dhexe ee xalay weerar gaadmo leh ku qaaday Ciidamada Dowladda Somaliya, ee degan Deegaanka Laanta Buuro oo 10km u jirta Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Xoogaga Shabaabka, ayaa weerarkaasi soo qaaday xilli ay jiifeen inta badan Ciidamada Dowladda, tiro yarna ay heegan ku jirtay, waxayna si buuxdo ula wareegeen gacan ku haynta Laanta Buuro.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan, ayaa Dhacdo.com u sheegay in Xoogaga Ururka Al Shabaab ay dhawr jiho ka soo weerareen Ciidamada Dowladda.
Shabaabku waxay dagaalka ku qabsadeen in ka badan toddobo gaari oo Ciidamada Dowladdu ay lahaayeen. Gawaarida ay qabsadeen ayaa isugu jira shan xabo oo nooca Cabdi Billaha loo yaqaano, hal gaari oo nooca ciidanka lagu daabulo iyo gaari kaloo booyad ahaa.
Wararka saakay laga helaayo Laanta Buuro, ayaa waxay sheegayaan in mintidiinta Al Shabaab ay isaga baxeen halkaasi, dibna ay ugu laabteen Ciidamada Dowladda.
Ciidamada degan Laanta Buuro, ayaa ka tirsan Guutada 5-aad Ciidanka Xoogga, waxaana taliye u ah Korneyl Axmed Absuge oo ka tirsan Saraakiisha Militariga ee ka hawlgala Gobolkaasi Shabellaha Hoose.
Waxaa adag in macluumaad laga helo inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha labada dhinac ka soo kala gaaray dagaalka, mana jirto cid illaa iyo hadda garabyadaasi u kala hadashay.
Idale News Online, Afgooye