Marka ( INO)-Dagaal Khasaro geystay oo u dhexeeyay Ciidamda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helayay Maleeshiyo Qaab Qabiil u abaabulan iyo Xarakada Al Shabaab ayaa xalay waxa uu ka dhacay deegaanka Lambar 50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ku bilowday kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al Shabaab ay weerar culus ku soo qaadeen deegaanka Lambar 50 oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda iyo Maleeshiyo tageerayay.
Ilo deegaanka ah ayaa IdaleNews.com u xaqiijiyay in Dirirtii xalay ka dhacday deegaanka Lambar 50 aya ahayd mid aad u culus.
Waxaana labada dhinac ay Isweedaarsadeen Rasaas Xoogan oo geysatay khasaarooyin kala duwan ee labada dhinac iyo shacabka deegaankuba soo gaaray walow aan la cayimin.
Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe sii xoojiyay weerarada ay ka fuliyaan Deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Shabeelaha Hoose.