Baydhabo(INO) — Axmed Maxa’ed Jadiid, Gudoomiyaha Deegaanka Goofgaduud, ee Duleedka Magaalada Baydhobo, xarunta Gobolka Baay ayaa u sheegay Warbaahinta in Dagaal uu ka dhacay Deegaankaasi.
Gudoomiyaha ayaa xaqiijiyay in Dagaalka uu dhacay markii Kooxda Al shabaab ay Weerar kusoo qaadeen Saldhigyadooda Deegaanka Goofgaduud, oo 30Km dhanka Waqooyi ee Bydhobo, isagoo xusay in Dagaalka ay Khasaaro ku gaarsiiyeen kuwii sooo weeraray.
Weerarka ayuu sheegay inay iska difaaceen, hadda ay Deegaanka ay igu ku sugan yihiin, Al shabaabna dib ay ugu celiyeen halkii markii hore kasoo Weerar tageen oo dhanka Degmada Diinsoor ah.
“Xilli Habeen ah ayay nasoo weerareen, waxay isku dayeen inay naga fara maroojiyaan gacan ku haynta Deegaanka Goofgaduud, balse taasi uma aysan suura galin, oo waa la jebiyay,” ayuu raaciyay hadlkiisa Axmed Maxa’ed.
Gudoomiyaha ayaa xusay in Al shabaab inta badan sidan oo kale ay soo weeraraan Deegaanka, maadaama uu yahay Deegaanka muhiim ah oo isku xira Baydhobo iyo Degmada Diinsoor oo Al shabaab ay ku sugan yihiin.
Wuxuu ugu baaqay Dowladda inay soo dedejiso Duulaanka Al shabaab looga saarayo inta ka dhiman Degmooyinka & Deegaanada ku yaalla Gobolada dalka Soomaaliya.
Idale News Online – Xafiiska Baydhabo